Dad badan oo Ingiriiska lagu tooreeyeeyey

Booliiska UK ee magaalada Birmingham ayaa ku dhawaaqay xaalad halis ah kadib markii dad badan midiyo lagu dhaawacay magaaladaasi bartamaheeda.

Booliisku waxay sheegeen in dad badan la gaarsiiyey dhaawacyo midiyeed inkastoo aanay sheegin xaaladdoodu waxa ay ku sugan tahay, waxayna ugu baaqeen shacabka in ay ka fogaadaan meelaha ay shilalku ka dhaceen maadaama ay dhici karto in ciidamo badan oo booliisa meelahaasi la geeyo.

In ka badan 6 qof ayaa sha sheegayaa in ay midiyo lala dhacay oo la dhaawacay magaalada Birmingham maanta oo Axad ah iyadoo aanay jirin ilaa iyo hadda dad loo soo qabqabtay weeraradaasi.

UK waa dalka ugu badan Yurub ee ay ka dhacaan weerarada loo adeegsado tooreeyaha iyo midiyaha waxaana lagu dilaa sanad kasta tobanaan dhalinyaro ah.

Hits: 11

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*