Dagaal sokeeye oo laga cabsi qabo inuu ka qarxo Muqdisho

Warar hoose oo la helayo ayaa muujinaya in madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo uu wado qorshe uu ku doonayo inuu magaalada Muqdisho dib ugu celiyo dagaaladii sokeeye ee sagaashameeyadii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saraakiil ay isku beel yihiin u dhiibay dhamaan qaybaha hoggaaminta ee muhiimka ah ee ciidamada qalabka sida isagoo taliyaha ciidamada Lugta u magacaabay Maxamad Tahliil Biixi oo hore uga soo qayb galay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Sarkaalkaan ay isku haybta yihiin Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa la hoos geeyey ciidamada Gorgor iyo kuwa danab oo isaga ka amar qaadan doona.

Madaxweyne Farmaajo oo doonaya in si aan sharci ahayn loogu kordhiyo muddo xileedka ayaa ka cabsi qaba in arrintaasi ka soo horjeesteen beelaha Hawiye wuxuuna doonayaa inuu sameeyo abaabul ciidan oo uu arrintaasi uga hor tago.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa isna Isniintii sheegay in aanu madaxweyne Farmaajo magaalada Muqdisho ku qaban karin doorasho aan xalaal ahayn.

Hits: 38

1 Comment

  1. In lagu noqdo dagaaladii 1991 ki ummadda somaliyeed dan uma aha cidkasta oo sidaa doonaysana yaan laga yeelin qofkastaana maanta waa of
    hahay meesha dantukujirto

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*