Dagaalada Maraykanka oo barakisay 59 Malyan oo Qof oo ay ka mid yihiin 46% dadka Soomaaliyeed

Warbixin ay shalay soo saartay jaamacadda Brown University ayaa muujinaysa in laga soo bilaabo sanadkii 2001 ay dagaalada uu maraykanku caalamka ka wado barakiciyeen in ka badan 59 malyan oo qof oo ay ka mid yhiin laba u dhig dadka Soomaaliya.

Warbixintu waxay muujisay in shacabka ku dhaqan dalka Soomaaliya 46% ay ku barakaceen dagaalada iyo duqaymaha ay ciidamada Maraykanku ka wadaan gudaha Soomaaliya kuwaas oo dalka Soomaliya galay sanadkii 2002.

Warbixintu waxay intaasi ku dartay in diyaaradaha Maraykanku ay sida joogto ah u duqaynayeen dalka Soomaaliya uuna maraykanku ku macneeyey in ay bartilmaameedsanayaan kooxda Alshabaab balse ay dileen boqolaal shacab ah sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha u doodaa.

Warbixintu waxay ku eedaysay wasaaradda Gaashaan dhigga Maraykanka in ay ka gaabisay in ay qirato shacabka ay duqaymaha diyaaradaha Maraykanku ku dileen dalka Soomaaliya oo sida ay warbixintu sheegayso ku kaliftay kumaan Soomaaliyeed in ay u firxadaan wadamada deriska ah si ay u helaan meel ay ku nabadgalaan.

Warbixintu waxay farta ku fiiqday in dalalka ugu badan ee ay shacabkoodu barakaceen dagaalada uu maraykanku dalkaasi ka wado darteed ay ka mid yihiin dalalka  Afghanistan, Iraq, Pakistan, Yemen, Somalia, the Philippines, Libya iyo Syria oo ay inta la hubo ku barakaceen in ka badan 59 malyan oo qof.

Warbixintu waxay kaloo sheegtay inuu maraykanku howlgalo ay qaxooti badani ku barakaceen ka fuliyey dalalka Burkina Faso, Cameroon, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Chad, the Democratic Republic of Congo, Mali iyo Niger.

Warbixintu waxay kaloo hoosta ka xariiqday in Maraykanka oo barakiciyey dadkii ugu badnaa caalamka ay alabaabada ka xirteen dadka megengelyo doonka ah.

Hits: 43

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*