Dalalaka Koofurta Yurub ee digniin u jeediyey Turkiga

Hoggaamiyeyaasha 7 dal oo dhaca koofurta Yurub ayaa khamiistii dalka Turkiga u soo jeediyey inuu joojiyo Baarista Gaaska ee uu ka wada jasiiradda biyaha Qubrus oo ay ku muransan yihiin Turkiga iyo Giriigu.

Nadaxda dalalka Greece, Cyprus, Malta, Italy, Spain iyo Portugal oo ku kulmay magaalada Corsica ayaa war ay soo saareen ku cadeeyey taageero ay u muujinayaan dalka Giriiga isla markaana ay uga soo horjeedaan Turkiga.

Turkiga oo dhiniciisa cambaareeyey Madaxweynaha France

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlay shirka ay yeesheen dalalka Koofurta Yurub ayaa soo jeediyey in talaabo xanuun leh laga qaado dalka Turkiga balse aan wax la yeelin shacabka Turgiga oo uu sheegay in ay mudan yihiin in ay helaan dowlad ka wanaagsan tan Erdogan.

Dowladda Turkiga ayaa durba cambaaraysay hadlka ka soo yeeray Macron oo ay ku tilmaantay inuu yahay hadal jahli iyo islawayni ay ka muuqato isla markaana ka tarjumaya siyaasadda gumaysiga iyo is balaarinta ku dhisan ee Faransiiska.

Hits: 54

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*