Galmudug – Dagaal yahamiinta Alshabaab oo la wareegay deegaano u dhow Cadaado

Wararka ka imaanaya deegaanka maamulka Galmudug ayaa muujinaya in ay ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan ururka Alshabaab ay saakay dagaal kula wareegeen deegaanka caddakibir oo cadaado u jirta 60 KM oo kali ah.

Arrintaan ayaa timid kadib markii ay duleedka Kadakibir ku dagaalameen maleeshiyaad beeleed iyo dagaal yahamiinta Alshabaab kadibna uu dagaalkaasi ku firay deeganka Caddakibir oo ay gebi ahaanba ciidamada Alshabaab la wareegeen.

Dagaal yahamiinta Alshabaab ayaa sidoo kale maalin ka hor weerar culus ku qaaday saldhigga ay ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Dhuusamareeb xarunta maamulka Galgaduud halkaas oo la isku waydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalkaasi ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalda Dhuusamareeb tan iyo markii meesha laga saaray ururkii Suufiyada ee isku magacaabi jiray Ahlusunaa Wajamaaca oo ay u awood sheegatay dowladda Soomaaliya.

Hits: 20

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*