Hoggaamiyaha Ugu wayn mucaaradka Soomaaliya oo madaxweyne Farmaajo eedayn u jeediyey

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo aad u mucaarada Vila Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo taliska nabad suggida in ay doonayaan in ay dalka galiyaan khalalaase Siyaasadeed si waqtiga loogu kordhiyo maamulka Madaxweyne Farmaajo oo uu waqtigiisii sii idlaanayo.

Mr. Warsame wuxuu sheegay in Madayweyne Farmaajo oo oo aaminsan in uusan doorasho xalaal ah ku guulaysan doonin uu ku howlan yahay raadinta muddo kororsi aan sharci ahayn isla markaana uu doonayo inuu qalalaase ka abuuro dalka.

Cabdiraymaan Cabdishakuur wuxuu intaasi ku daray in magacaabistii ay dhowaan dowladda Soomaaliya magacaawdayo guddo doorasho oo sida la sheegay ka koobnaa qaar ka mida ciidamada nabadsugidda iyo shaqaalaha Villa Soomaaliya ay qayb ka tahay qorshaha oo madaxweyne Farmaajo ku doonayo in aayan qabsoomin doorasho xalaal ahi.

Hits: 11

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*