Jamacadda Carabta oo diiday in ay cambaarayso heshiiskii Israel iyo UAE

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka soo horjeestay in ay cambaareeyaan heshiis xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ay dhowaan kala saxiixdeen dalalka Israel iyo Imaaraatka Carabta oo Fakastiiniyiinta aad uga caraysiiyey.

Wufuudda ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka soo horjeestay qoraal ay soo gudbiyeen falastiiniyiintu oo ku baaqayey in heshiiskii Israel iyo Imaaraatka la cambaareeyo.

Bishii hore ee August 13keedii ayaa waxaa dhex maray dowladaha Israel iyo Imaaraatka Carabta xiriir saaxiibtinimo uu Maraykanku dhex dhexaadinayey.

Falastiiniyiinta ayaa dhinacooda heshiiskaan ku tilmaamay inuu yahay dhulgariir waxayna dalalka Carabta ugu baaqeen in ay kasoo horjeestaan heshiiskaasi.

Ururka Xamaar ee reef Falastiin ayaa durba go’aanka carabta ku tilmaamay mid lag xumaado.  “waxa dhacay waa la filayey waayoo ururka Jaamacadda Carabtu wuxuu taageeraa Imaaraatka carabta waayoo waa dal saamayn wayn ku leh carabta,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Xamaar.

Hits: 37

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*