Kenya oo Soomaliland u aqoonsatay maamul ka madax banaan Soomaaliya

Kenya ayaa markii ugu horaysay safaarad ka furanaysa Jamhuuriyadda isku magacawday Somaliland oo aan weli wax aqoonsi ah ka helin caalamka.
Phillip Githiora ayaa loo magacaabay inuu noqdo safiirka Kenya u fariisan doono Somaliland taasoo muujinaysa in ay Kenya Somaliland u aqoonsatay maamul ka maidax banaan Villa Somalia.
Kenya ayaa sidoo kale hore ula gashay Somaliland heshiisyo ganacsi iyadoo ay labada dhinac is dhaafsadeen booqashooyin heer wasaaradeed ah.
Arrintaan ayaa imaanaysa kadib markii uu caalamku ka daagalay fadhiidnimada dowladda Soomaaliya oo ah mid uu hareeyey musuqmaasuq iyo maamul xumo.
Gobolka Banaadir oo martigeliya xarunta xakuumadda muqlaysan ee Soomaaliya ayaa ayaan haba yaraatee ahayn mid magaalada Muqdisho oo ay wadooyinkeedu xiran yihiin aan wax u qaban. Hanaanka ay u shaqayso dowladda dhexe ee Soomaliya ayaa ah waari mayside yaanay wax ku dhaafin amaba cidi kuma arkaysee afka buuxso.
Mohamed Hassan Ahmed

Hits: 132

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*