Khayre oo ilaaladiisii la jirdilay kahor intii aanu Nairobi u dhoofin

Warar sir ah oo soo gaaray Hornnews24 ayaa muujinaya in Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, uu gaaray magaalada Nairoobi ee dalka Kenya shalay galab kadib markii uu ka soo dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqidhso.

Ka hor intii aanu Muqdisho ka soo ambabixin, ayaa waxaa la sheegayaa in Khayre oo watay 12 gaari oo tikniko ah iyo ciidamo aad u hubaysan ay intii aanay garoonka diyaaradaha Muqdisho soo gaarin ay istaajiyeen ilaalo iskugu jirtay NISA iyo Booliis agagaarka isbitaalka Yardimeli ee Turkiga kadibna lagu amray in ay hubka dhigaan ilaaladii Khayre oo sida la sheegaayo qaarkood la jirdilay.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin hub ka dhigista iyo jirdilka lagu sameeyey ilaaladii la socotay ra’iisal wasaarihii hore ee Khayre, waxayna wararku intaasi ku darayaan in markii dambe hubkooda la siiyey lana sii daayey ilaaladaasi, taasoo u suurta gelisay Khayre inuu u duulo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Lama ogo sababta uu Khayre u aaday Nairobi iyo inuu helay casuumaad toona waxaase loo malaynayaa in uu la kulmi doono qaar ka mida madaxda dowladda Kenya oo ay ka wadahadli doonaan arrimo khaas ah.

Hits: 232

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*