Kumanaan qaxooti Itoobiyaan ah oo ka gudbay xadka Suudaan

In ka badan  200,000 oo qaxooti Itoobiyaana ah oo ku barakacay dagaalka u dhexeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo gobolka Tigray ayaa ka gudbay xadka suudaan.

Boqolaal qof ayaa ku dhimatay dagaalka oo sida la sheegayo ay dowladda dhexe kula wareegtay deegaano ay hore u joogeen ciidamada gobolka Tigray.  Maamulka Tigray ayaa ku eedeeyey dalka Eritrea in ay ciidamadiisu dagaalka ku soo biireen oo ay garabs siinayaan dowladda dhexe ee Itoobiya taas oo ah eedayn ay beenisay Eritrea.

Madaxweynaha maamulka Soomaalida Itoobiya, Cagjar, ayaa isna laga soo sheegay inuu soomaalida ka codsaday in ay dhiig u shubaan ciidamada Itoobiya ee dagaalka ku waxyeeloobay.  

Boqortooyada UK iyo ururka midowga Afrika ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo oo miiska wadahadalada la wada fariisto balse ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa taa uga jawaabay in ay tahay Itoobiya dal madax banaan oo danihiisa og.

Hits: 30

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*