Maamul goboleedka Hirshabeele oo doortay madaxweyne cusub

Arbaco, November, 11, 2020 (hornnews24) – Xildhibaanada maamul goboleedka Hirshabeele ayaa maanta madaxweynaha maamulkaasi u doortay Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe oo ka mid ahaa u tartameyaasha xilka madaxtinimada maamulkaasi.

Cali Guudlaawe oo helay 86 cod ayaa tartanka uga adkaaday Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan oo helay 13 cod oo kali ah wuxuuna noqonayaa madaxweynihii sadexaad ee maamulkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorashada isagoo sheegay inuu Guudlaawe ku guulaystay doorashadaasi.

Hits: 8

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*