Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden oo laga hor istaagay hambalyooyin loo soo diray

Halbalyooyin aad u farabadan oo ay madaxda caalamku u soo direen madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Joe Biden ayaa waxay si isdaba joog ah u soo gaarayaan aqalka cad balse maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Donald Trump ayaa diiday in uu Biden helo hambalyooinkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa diidan ilaa iyo hadda in ay qirato inuu doorashada madaxtinimada Maraykanka  uu ku guulaystay Joe Biden taas ayayna u muuqataa in ay tahay sababta Joe Biden looga hor istaagay inuu helo hambalyooinka madaxda caalamka.

Biden waxaa kale oo laga hor istaagay dhegaysiga warbixinta ay sirdoonka Maraykanku siiyaan aqalka cad.   Kooxda Joe Biden ayaa isku dayaya in ay si iskood ah madaxda caalamka ula xariiraan.

Hits: 9

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*