Madaxweynihii la afgembiyey ee Maali oo dalka iskaga baxay

Madaxweynihii la afgembiyey ee Dalka Maali,  Ibrahim Boubacar Keita, ayaa shalay iskaga baxay dalkaasi una kicitimay dalka Imaaraatka Carabta oo sida la sheegay uu ka geli doono isbitaal si loogu daweeyo.

Madaxweynaha ayaa Sabtidii ka baxay magaalada Bamako isagoo raacay diyaarad gaar ah oo looga soo diray dalka Imaaraatka carabta. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu galo isbitaal lagu daweynayo oo uu ku jiri doono inta u dhexaysa 10 – 15 bishaan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay madaxweynaha la socdaan xaaskiisii iyo dhaqaatiir ka socota dalka Imaaraatka Carabta. Madaxweynaha oo 75 jir ah ayaa horaantii todobaadka la dhigay isbitaal kadib markii uu xanuunsaday.

Golaha Qaranka iyo Badbaadada Shacabka ee dalka Maali  (CNSP), ayaa hadda talada dalka Maali maamula kadib markii madaxweynaha dalkaasi xukunka laga eryey bishii hore 27keedii.  Militariga Maali ayaa awood ku qabsaday xukunka dalkaasi iyagoo madaxweynaha marki hore xiray kadibna xoriyaddiisa u ogolaaday.

Hits: 12

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*