Maraykanka oo shaaciyey inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ciidamadeeda kala baxayso dalalka Soomaaliya, Afganistaan iyo Ciraaq.
Madaxweynaha uu xilkiisu dhamaaday Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu amro in kumanaan ciidamada Maraykanka ahi ay ka soo baxaan bisha Janaanyo dalalka Afganistaan iyo Soomaaliya.
Maraykanku wuxuu doonayaa in aanu garabka u ridan qarashka tirada badan ee ku baxa ciidamadiisa ka jooga dalalka ay dagaaladu ka jiraan aa ee Aasiya iyo Afrika.
Maraykanku wuxuu sheegay in qorshahaan la bixista ciidamadiisu aanu saamayn doonin ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalalka Jabuuti iyo Kenya ee weerarada xagga hawadaa ka fuliya Soomaaliya kuwaas oo sida uu sheegay fulin doona mustaqbalka weeraro kale oo ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Hits: 12

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*