Muran ka taagan doorashooyinka Soomaaliya

Muran xoog leh ayaa hareeyey habraaca doorashooyinka Soomaaliya iyadoo lagu eedaynayo xukuumadda Soomaaliya in ay samaysatay guddi doorasho oo ka kooban shaqaalaha Villa Soomaaliya iyo sirdoonka dowladda.

Xildhibaanada soomaaliya qaarkood ayaa si aad ah u diidan qaabka ay dowladda Soomaliya u abaabushay habraaca doorasho iyo waliba guddiga doorashada ee ay dowladdu magacaawday.

Xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ku eedeeyey dowlada dhexe in ay gacan togaaleyneyso maamulada qaar isla markaana ay faragelin toosa ku samaynayso habka doorashada.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka wuxuuna sheeghay in ay doonayaan in dalkaan ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo qof walba nasiibkiisa uu ku tartamo kana qaato wixii uu ka helo.

Isaga oo ka hadlayay Arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa uu sheegay in dalkaan uu ka gudbay xilligii xoog wax lagu  maquunin jiray, isla markaana fahad iyo farmaajo ana laga aqbaleyn.

“ Hadda ka hor ayaa la yiri Nin Reer Mudug ah adiga oo Afar cad oo Hilib ah heysta ayaa Tuug kuusoo dhacay oo laba cad kaa qaatay, waxaa la yiri meeqo cad ayaad heysataa wuxuu yiri Shan cad ayaan heystaa sidee ayaa la yiri, wuxuu yiri Afar Cad & meydka nInka ayana heystaa ayuu yiri” Marka  Fahad iyo farmaajo riyo ayaad ku jirtaan dalkaan iyo dadkaan kuwo la xoogi kari maahine riyada ka baxa  ayuu yiri” Xildhibaan Mahad Salaad.

Hits: 18

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*