Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho oo ay dad ku dhinteen

Ugu yaraan dhowr iyo toban qof ayaa ku dhimatay qarax xoog leh oo maanta ka dhacay Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Wararku waxay sheegayaan in qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu bartamaha uga galay maqaayad ay badanaa ku kulmaan madaxda Iskuul Boliitsiya iyo saraakiisha dowladdu.
Goobjoogeyaal ayaa shaagaya in ay arkayaan uuro iyo qaax madoow oo hawada isku shareeray iyo gawaarada gurmadka ee ambaalaasta loo yaqaan oo la cararaya dhaawacyada.
Ilaa iyo hadda cidina ma aanay sheegan masuuliyadda qaraxaasi dowladduna wax war ah kama aanay soo saarin balse ururka Alshabaab ee xiriirka la leh ururwaynaha Alqaacida ayaa looga bartay in ay qaraxyo nuucaas oo kale ah la eegtaan xarumaha dowladda.
Alshabaab waxay sheegataa in ay doonayso in ay shareecada Islaamka ka hirgeliso dalka Soomaaliya kadib markii ay jilbaha u dhigto dowladda Soomaaliya ee uu caalamku taageero.

Hits: 16

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*