Qarax xoogan oo lala beegsaday Kontroolka madaxtooyada Soomaalia

Ugu yaraan dhowr qof oo askar iyo saraakiil ciidan iskugu jirta ayaa ku dhintay qarax maanta lala beegsaday mid kamida kontroolada Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaiya oo ah meel si aad ah loo ilaaliyo.

Kontroolka Xaawo taako oo ka mid ah kontoroolada ugu muhiimsan ee Madaxtooyada ayaa waxaa lala beegsaday qarax aad u xoog badan oo la sheegay inuu ka dambeeyey qof naftiisa biimeeyey oo ka tirsan dagaal yahamiinta ururka Alshabaab.

Ciidamo aad u farabadan ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay isku gadaamay waxaana wariyeyaasha iyo dadka kaleba loo diiday in ay agagaarka tagaan si aan loo ogaan khasaaraha weerarkaasi ka dhashay.

Warar horudhac ah ayaa muujinaya in ay weerarka ku dhinteen saraakiil iyo askar aan tiradooda ilaa iyo hadda la shaacin sidoo kalena ay dad farabadani ku dhaawacmeen.

Arbaca, August 9, 2020

Hits: 26

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*