Saraakiil Maraykan ah iyo askar Soomaali ah oo lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Kismaayo

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay in ay dileen ugu yaraan 4 sarkaal oo Maraykan ah iyo 16 askari oo ka tirsanaa ciidamada uu Maraykanku Soomaalida u soo tababaray kadib markii ay weerar kedis ah maanta ku qaadeen saldhig military oo ay ku sugnaayeen saraakiishaasi Maraykanka ah iyo ciidamada Soomaalidu.

Weerarkaan oo ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalla duleedka Kismaayo ayaa waxaa lagu daahfuray gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo gudaha u galay saldhiggaasi militari kadibna qarxay.

Weerarkaan oo ay durbaba Alshabaab sheegatay ayaa waxaa lagu gubay gawaari kuwa tiknikada loo yaqaan oo ay la haayeen ciidamada Soomaalidu waxaana la arkay uuro madoow oo qaac iyo holac ah oo dul hoganaysa saldhigga la weeraray.

Alshabaab waxay sheegteen in ay dileen 4 sarkaal oo Maraykan ah iyo16 askari oo Soomaali ah  sidoo kalena ay dhaawaceen tiro kale oo ciidamadii halkaasi ku sugnaa ah.

Dowladda Maraykanka iyo tan Soomaaliya ayaa wali wax wax ah ka soo saarin weerarkaan waxayna dadka deegaanku sheegayaan in jugta qaxa laga maqlayey meelo aad uga fog goobta uu weerarku ka dhacay.

Hits: 30

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*