Trump oo shaqadii ka eryey sarkaal sare oo diiday in doorashooyinkii lagu shubtay

Madaxweynaha maraykanka ayaa shaqadii ka eryey sarkaal sare xalay kaas oo sheegay in doorashooyinkii madaxtinimo ee looga adkaaday madaxweyne Trump aan lagu shuban oo aanay wax is daba marini dhicin.

Chris Krebs, oo ka mid ahaa masuuliyiinta sarsare ee dalka Maraykanka ayuu madaxweynuhu shaqo joojin ku sameeyey isagoo ugu gudbiyey fariinta shaqo joojinta bartiisa Twitterka.

Waxyar ka hor intii aan shaqada laga joojin ayuu Chris Krebs isna bartiisa Twitterka ku sheegay in doorashadii ka dhacday maraykanka ee uu Trump xilkiisa u waayey ay ahayd mid aan wax la is daba marin.

Trump waa uu diiday inuu natiijada doorashadaasi u hoggaansamo wuxuuna ku andacoonayaa in ay ahayd doorasho lagu shubtay oo aanay sax ahayn sidaas darteed ayuu ilaa iyo hadda u diidan yahay inuu madaxwynaha la doortay Biden ku wareejiyo xilka bisha Janaayo.

Joe Biden ayaa isna ku mashquulsan diraargaroow uu ugu jiro la wareegista xilka madaxtinimada bisha Janaayo 20keeda, wuxuuna Talaadadii aqalka cad u magacaabay xilal sarsare.

Hits: 10

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*