Xeradii Qaxootiga ee ugu waynayd Giriiga oo gubatay

Dab xoog leh ayaa baabi’iyey xeradii qaxootiga ee ugu waynayd dalka Giriiga oo hooy u ahayd in ka badan 12 kun oo qaxooti ah Jasiiradda Lesbos.

Saraakiisha Giriiga ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in dad qaxooti ah oo ka caraysan xayiraadda la xariirta fayriska Corona ee lagu soo rogay xeradaasi qaxootiga in ay sababeen dabkaasi.

Waxaa iyaguna dalka Giriiga ka jira kooxo cunsuriyiin ah oo oo diidan adka qaxootiga ah oo ay dhici karto in ay si ula kac ah u gubaan xeradaasi.

Ra’iisal wasaaraha Giriiga, Kyriakos Mitsotakis, aya saraakiil dalkiisa ka tirsan la leh iminka wadahadalo degdeg ah oo la xariira dabkaasi baabi’iyey xerada qaxootiga ee Moria.

Xeradaan Qaxootiga ayaa todobaadkii hore la geliyey karaantiil kadib markii dadka ku xaraysan qaarkood laga helay xanuunka Coronavirus.

Wakaaladda Wararka dalkaasi Giriiga, ANA, ayaa sheegtay in 35 qof oo ku xaraysan xeradaasi oo laga helay xanuunka Coronavirus ay diideen in meel gooni ah lagu karaantiilo oo laga fogeeyo eheladooda.

Xeradaan qaxootiga ayaa waxaa maamula oo gacanta ku haya hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee (MSF).

Si kastaba ha ahaatee ilaa iyo hadda lama oga cidda ka dambaysay gubitaanka xeradaasi waxaana socota baaris arrintaasi lagu ogaanayo. Xeradaan oo loogu tala galay ilaa 2,000 oo qof ayaa iminka waxaa ku jira in ka badan 13, 000 oo qaxooti ah oo ay qaarkood banaanada seexdaan.

70% dadkaan qaxootiga ah ayaa ka soo jeeda dalka Afganistaan waana qowmiyadda ugu badan ee ku jirta xeradaasi.  Qaxootiga ayaa waxay ka kala yimaadeen in ka badan 70 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Hits: 23

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*